Jubaland: Eedeymo musuq oo hareeyay mashruuc shaqaaleysiin

Image
Mashruucaan ayaa qeyb ka ah shaqaalaha uu mushaarkooda bixiyo Bangiga Adduunka.

KISMAAYO, Jubaland - Waxaa magaalada Kismaayo ka socota hawl Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland uu ku shaqaaleysiinayo dhawr iyo tobon boos oo ka bannaan wasaaradaha maamulka, kuwaas oo qeyb ka ah shaqaalaha uu mushaarkooda bixiyo Bangiga Adduunka.

Hase ahaatee, waxaa soo baxaya cabashada ay dadka ka qabaan hufnaanta nidaamka shaqaalaynta, iyada oo dadka ay bilaabeen in ay baraha bulshada soo mariyaan sida aysan ugu qanacsanayn sida ay wax u socdaan.

Gabadh lagu magacaabo Faatima Cabdicasiis Haajir oo sheegtay in ay ka mid ahayd dadkii kusoo baxay liiska kooban ayaa ka cabatay in markii ay maalintii Axadda imtixaamka u tagtay xarunta guddiga loo sheegay in aysan imtixaamka galaynin, shahaadooyinkeedana aysan waafaqsanayn shuruudaha la rabo, waxayna is weeydiisay "Haddii aanan shuruudaha buuxinin, maxay tahay sababta la iigu soo direy liiska kooban?”.

Farriinta ay baraha bulshada soo dhigtay gabadhan ayaa sababtey falcelin kala duwan waxaana u marqaati furey dad kale kuwaasoo sheegay in ay la kulmeen xaalad noocaan oo kale ah.

Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland ayaa xayaysiiyay dhawr iyo tobon boos, waxaana la wariyey in ay soo codsadeen wax ka badan kun qof, taas oo tusaale u ah heerka shaqo la’aanta dhalinyarada.

Boqol qof ayay ahayd in ay imtixaamka u fariistaan maalintii Axadda ee shalay ahayd, iyada oo guddiga uu u saaray guddi gaar ah oo imtixaamka qaada.

Balse farriin ay warbaahinta dowladda soo mariyeen guddiga ayaa inta badan dadkii ka falceliyay ay ku andacoocdeen in natiijada ay ahayd mid horey loosii ogyahay.

Bangiga Adduunka ayaa Jubbaland u shaqaalaysiiyay dhawr boqol oo shaqaale ah oo ay ka mid yihiin agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha. Shaqaalaha ayaa qaata mushaar u dhaxeeya $400 doolar illaa $1200 doolar, iyada oo ay ku xirantahay hadba qofka xilka uu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM