Jubaland: Gaari lagala goostay wasiir oo "loo geeyay" Al-Shabaab

Image
Baabuurkan waxaa wasaaradda ugu yaboohday mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera dowladda Soomaaliya.

KISMAAYO, Jubaland - Wararka ka imaanaya magaaladda Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in xubin ka tirsan golaha wasiiradda Jubaland uu darawalkiisa kala goostay gaari aad qaali u ah oo ay wasaaradda lahayd, hase ahaatee uu wasiirka isticmaalayay.

Baabuurkan ayaa waxaa lahayd wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, kaasi oo noociisu ahaa Hardtop, kan dhiiriga jiira, looguna talogalay dhulka aanan laamiyada lahayd.

Sidda ay macluumaadka caddeynayaan, gaariga waxaa wasaaradda ugu yaboohday mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera dowladda Soomaaliya.

Fahfaahinta ayaa waxay intaas ku daraysaa in uu gaariga la goostay darawalka wasiir ku xigeenka wasaaradda, Mustafa Xaaji, markii ugu dambeysayna waxaa gaariga lagu sheegay magaalada Jillib oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab.

Lama oga sidda loo ogaan waayay xiriirka uu darawalka la lahaa kooxda Al-Shabaab, iyo waxyaabaha kale oo uu ka fuliyay Kismaayo intii uu shaqaynayay. Illaa haatan, maamulka wax war ah kama soo saarin falkan.

Ma ahan markii koowaad oo darawal la shaqaynaya mas’uul ka tirsan dowladda Sooamaliya uu u goosto dhanka Al-Shabaab, ama uu ka shaqeeyo fal amni xumo.

Darawalkii guddoomiyihii baarlamaanka hore Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal ayaa kasoo hadlay dhulka Alshabaab ay haysato, iyada oo sidoo kale sanado ka hor uu taliyihii sirdoonka Jubbaland Ciise Kaambooni uu diley darawalkiisa oo ay qaraabo ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM