Jubaland: Isbadalo la sameeyay xilli ay xaalad kasoo korortey Gedo

Image
Talaabadan ayaa timid kadib markii wafdi fasax ka haysta Villa Soomaaliya ay ka dageen Baardheere.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaacabay wasiirka arrimaha Gudaha oo banaanaa tan iyo sanadkii hore markii uu dhintay mas'uulkii waqtiga dheeraa hayey xilkaas ee Maxamed Warsame Darwiish.

Maxamed Oogle oo ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa noqdey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha. Wasaaraddii uu ksoo tagay ayaa illaa haatan waxaanan loo magacaabin mas'uul kale.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay ku timid xaalad deg-deg ah kadib markii wafti uu hoggaaminayo Senator Cabdullaahi Fartaag ay ka dageen magaalada Baardheere.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in wafdigan uu halkaasi shir uga furmayo, ayna ogolaansho ka haystaan madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Jeneraal Fartaag oo dad kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii loo dhisi lahaa Jubbaland loo dhan-yahay. Hadalkan waxa uu u muuqdaa bilowga olole cusub.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ka shaqeeyo arrimaha gobolka Gedo oo siyaasad ahaan cakiran walina aanan xal waara laga gaarin.

Maalin ka hor ayuu madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan gobolka Gedo u magacaabay mas’uul si kumeelgaar ah u maamulaya, kaasi oo balse aanan awood muuqata ku lahayn guud ahaan gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM