Jubaland iyo Kenya oo ka shiray guluf ka dhan Al-Shabaab

Image
Image
Image
Madaxweynaha Jubaland iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ku kulmay magaalada Kismaayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu magaaladda Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Ducaale ayaa booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Labada mas'uul ayaa, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Jubaland, waxay ka wada hadleen diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

"Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Kenya ayaa dano istaraatiijiyadeed ka leh Jubaland. Safarkan wuxuu imaanayaa xilli Itoobiya ay xoojisay galaagankeeda gobolka Gedo halkaasoo ay tageen xubno mucaaradsan Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM