Jubaland oo baaq kasoo saartay waxbarashada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa dalbadey iskaashi dhexmara hay'addaha ku shaqadda leh qaddiyadan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Aqalka martida ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradaha Caafimaadka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Ka qeybgalay shirkii Wasaaradaha Caafimaadka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta kala duwan ee shirkan ka qeybgalay wadatashiyadii iyo qiimayntii ay sameeyeen maalmahii ay shirka ku jireen isagoo xusay in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee heerarka kala duwan leh ee dalka taas oo xoojinaysa adeega shacabka loo hayo.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, oo aqalka martida ku qaabilay masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Dowlada Federaalka iyo Dowlada xubnaha ka ah ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo qeybgaleen shirka Wasaaradaha Waxbarashada dalka ee Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ka dhexeeya wasaaradaha Waxbarashada si tacliinta dalka ay u noqoto mid waxtar leh.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in iskaashiga dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowlada uu xoojinayo howlaha shacabka loo hayo isla Markana shaqooyinku ay noqonayaan kuwo isku dheeli tiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM