Jubaland oo eedeyn u jeedisay dowladda federaalka

Image
Diyaaradda ku dhacdey Doolow ayaa ahayd mid xamuul waxaana ay ka baxdey magaalada Muqdisho.

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland oo ka falcelisay diyaaradii shalay ku gubatay garoonka diyaarada Doolow ayaa sheegtay in dowladda Federaalka wali ay fara-gelin ku hayso garoomada diyaaradaha dowlad goboleedkaas.

Dhanka kale, Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowladda Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas ayaa ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia iyo Seychelles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah

Madaxwaynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar magacaabay Xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland.

Diyaaradda ku dhacdey Doolow ayaa ahayd mid xamuul waxaana ay ka baxdey magaalada Muqdisho. Illaa haatan, lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa burburka diyaaradda. Sidoo kale, khasaaro lama soo sheegin.

Hoos ka akhriso bayaanka Jubaland

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM