Jubaland oo fashilisay saddex weerar oo ay AS soo qaadey

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubaland ayaa sheegay in saakay laga hortagay saddex weerar oo Al-Shabaab ay kusoo qaaday saddex saldhig oo dhowaan lala wareegay oo ku yaalla gobolka Jubada Hoose.

Xoogaga Al-Shabaab waxay weerareen Buulo Xaaji, Harboole iyo Miido, iyagoo kala kulmay Ciidanka Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya iska caabin, waxaana la dilay in ka abdan 80 xubnood, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Al-Shabaab ayaa sheegtay iyaguna in weerarka Buulo Xaaji, Miido iyo Harboole inay ku dileen ilaa 71 askari.

Waxaa baraha bulshadda lagu faafiyay muuqaal lagu sheegay inuu yahay meydadka xubno badan oo kamid ah Al-Shabaab iyo hub kala duwan oo dagaalka lagu qabtay.

Ciidamada waxay gacan ka helayaan kuwa Mareykanka ah oo saldhig ku leh Baar-Sanguuni oo 50Km u jira magaaladda Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM