Jubaland oo fashilisay saddex weerar oo ay AS soo qaadey

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubaland ayaa sheegay in saakay laga hortagay saddex weerar oo Al-Shabaab ay kusoo qaaday saddex saldhig oo dhowaan lala wareegay oo ku yaalla gobolka Jubada Hoose.

Xoogaga Al-Shabaab waxay weerareen Buulo Xaaji, Harboole iyo Miido, iyagoo kala kulmay Ciidanka Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya iska caabin, waxaana la dilay in ka abdan 80 xubnood, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Al-Shabaab ayaa sheegtay iyaguna in weerarka Buulo Xaaji, Miido iyo Harboole inay ku dileen ilaa 71 askari.

Waxaa baraha bulshadda lagu faafiyay muuqaal lagu sheegay inuu yahay meydadka xubno badan oo kamid ah Al-Shabaab iyo hub kala duwan oo dagaalka lagu qabtay.

Ciidamada waxay gacan ka helayaan kuwa Mareykanka ah oo saldhig ku leh Baar-Sanguuni oo 50Km u jira magaaladda Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM