Jubaland oo qabsatay degaan muhiim u ahaa dakhliga Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliska ciidamada dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka dhawaajiyey in ay dagaalameyaasha Al-Shabaab ka qabsadeen degaan muhiim ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu xusay in ciidamada ay si nabad ah kula waregeen tuulada Jannaa Cabdalle oo qiyaastii 60 KM u jirta magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Kismaayo.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Al-Shabaab ay degaanka u adeegsan jireen isu socodka koonfurta iyo waqoyga Jubbooyinka isla markaana ay ku lahaayeen bar ay dhaqaale kaga qaadaan gaadiidka dadweynaha.

Degaanka Jannaa Cabdalle oo aan la ogeyn hadii ciidamadda baaqi kusii ahaan doonan ayaa u dhaxeeya degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

"Ciidamada ayaa ku guda jira sidii dadka Shacabka ah ay si Nabad ah ugu kala gooshi lahayeen wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow halkaas oo dhibaato adag ay dadka Shacabka ah ugu gaysan jireen Kooxda Al-Shabaab," ayay tabisay warbaahinta Jubaland Tv.

Isagoo la hadlayey ciidamo tababar uu ugu soo xiray duleedka Kismaayo, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Talaadadii asbuucii hore wuxuu sheegay in ciidanka ku garab istaagayo howlgalka.

"Kama war-wareegi doono in aan idin kugu soo booqdo furimaha dagaalka ka dhanka ah cadowga," ayuu munaasabada ka yiri, isagoo iclaamiyey guluf cusub oo degaanada ka maqan uga saarayaan argagixisadda.

Al-Shabaab ayaa haatan gacanta ku haysa degaano dhowr ah oo hoostaga maamulka Jubaland, waxaana badankooda ay ka tirsan yihiin gobolka Jubada Dhexe oo ah fariisinka ugu weyn ee xoogaga xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM