Jubaland oo gacanta ku haysa 71 qof oo lagu tuhmay fayruska Corona

Image

KISMAAYO, Jubaland – Jubaland ayaa gacanta ku haysa 71 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay sidaan fayruska Corona, sidda uu shaaca ka dhigay guddiga dowlad goboledkaas u qaabilsan ka hortagga cudurkaas.

Maxamed Warsame Darwiish, wasiirka arrimaha gudaha ahna gudoomiyaha guddiga ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay ku kala sugan yihiin magaalooyin kala duwan oo hoostaga maamulkaas.

Sidda laga soo xigtay Mr Darwiish, magaalooyinka iyo tirada dadka lagu hayo ayaa kala ah; Kismaayo 32, Dhoobley 21, oo midkood natiijada baaristiisa la sugayo, Ceelwaaq 4 iyo Beledxaawo 14.

"Kiiska baaritaanka Dhoobley waxaa iska kaashanaya Jubaland iyo AMISOM, iyagoo garab ka helaya WHO," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey idaacadda duhurnimo ee laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin siddii qalabka baaritaanka u gaarsiin lahaayeen magaalooyinka "si loo dardargeliyo ka hortagga iyo xakameynta xanuunkaas".

"Waxaa laga yeelayaa, dowladda Soomaaliya iyo caalamka muwaacino ayaan waydiisanay, annaga waxaan ka shaqeyneynaa siddii loo gaari lahaa," ayuu ku qeexay qorshaha uga degan.

Dhanka kale, wasiirka ayaa tibaaxay in ay bandow habeenkii ah oo bilaabaya todoba fiidnimo kuna eg lixda aroornimo ay kusoo rogeen caasimada ku meelgaarka si looga baaqsado faafitaan kale.

Illaa iyo haatan, ismaamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyey laba kiis oo Covid-19 ah. Sidda uu ka dhawaajiyey Darwiish, xaaladahaas waxaa lagu soo hudbiyey sheybaarka dhexe ee Muqdisho.

Guud ahaan dalka, kiisaska Coronavirus ayaa gaaraya 60, iyaddoo laba ruux ay ugu geeriyoodeen Muqdisho. Dadka dhintay waxaa ku jira wasiir ka tirsanaa HirShabelle. Tobanaan kale waxaa loo diray baaris.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM