Jubaland oo ka warbixisay duqayn Mareykanka la eegtay Al-Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia - Taliska ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa ka warbixiyay weerar dhinaca cirka ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday inta u dhaxeysa degaanada Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Duqaynta ayaa lagu waramayaa in lala beegsaday kolanyo ay la socdeen Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynayay inay duulaan kusoo qaadeen fariisinka ciidamada ee tuulooyinkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha.

Howlgalka dhinaca cirka oo la tibaaxay inay qaadeen diyaaradaha Mareykanka ayaa yimid saacad kadib markii dagaalamayaasha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ay hujuum ku beegsadeen saldhiga ciidamada ee Muuse Xaaji.

Iska hor-imaad kooban ayaa halkaasi laga soo wariyay, kaasi oo hogaanka ciidamada JL ay sheegteen inay ku khaarijiyeen labo kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab, oo aan wali ka hadlin.

Capt. Maxamed Daahir Nuur, oo kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in duqaynta lagu khaarijiyay 32 kamid ah Al-Shabaab, isaga oo intaas ku daray in tirada dhimashada ay kordhi karto.

Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saarey in duqaynta ay waxyeelo kasoo gaartay shacab, isaga oo tibaaxay macluumaadka Shabaab oo ay hayeen usuurtagelisay inay isa sii abaabulaan.

19-ka bishii hore ee Janaayo ayey ahayd markii Al-Shabaab ay duulaan ay u adeegsatay qarax iyo mid toos ah ay ku qaaday xerada Baar Sanguuni, balse layska caabiyay, ayna kala kulantay khasaaro xoogan, halkaasi oo ay ku waysay 52 xubnood.

"Tan weerarkii ay ku jabeen ee Sanguuni, waxay wadeen abaabul, inaguna waan haynay xogtooda, waana isa sii diyaarinay…sidii ay shacabka ugu xasuuqeen qaraxii Zoobe, ayaa iyagana loogu gubay duqaynta," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe kordhisay duqeymaha Somalia, ee lagu bartilmaameedsanayo Al Shabaab iyo Daacish oo u aragto inay khatar ku yihiin amniga muwaadiniinteeda iyo danaheeda Geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM