Jubaland oo ku gacan-seyrtey qorshe ay wadaan siyaasiyiin sarre

Image
Maamulka Kismaayo ayaa hoosta ka xariiqay in ay "qorshahan uu khatar ku yahay la dagaalanka Al-Shabaab".

KISMAAYO, Jubaland - Wasiirka amniga Jubaland ayaa qorshaha ah "in maleeshiyo beeleed laga abaabulo degaanada maamulkaas si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab ku tilmaamay mid dhibaato weyn ku keeni kara dowlad goboleedkan".

General Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo la hadlay Idaacada BBC Somali ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Kenya ee KDF ay heystaan ​​awood ku filan oo ay ku wajahaan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Cid kasta oo loo qorayo kamid noqonashada dagaalka Al-Shabaab waxaan sameyn doona laamaha amniga oo aan anigu hogaamiyo anigoo ah wasiirka amniga," ayuu yiri Dhuumaal.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan diyaarin doonaa tababarkooda iyo saanaddooda, qof kaliya uma abaabuli karo maleeshiyaad ku fikir ah la dagaalanka Al Shabab, ma ahan tallaabo u wanaagsan Jubaland iyo dalka Soomaaliya".

Dhuumaal oo hadalkiisa sii wata ayaa ka shanqariyey in talaabo kale oo aan ku imaan wadashaqeyn iyo iskaashi ay wiiqi karto dedaaladda la doonayo in lagu cirib-tiro Al-Shabaab.

"Madaxweynaha [Axmed Madoobe] waxa uu u xilsaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, hadda wuu socdaa, waxaa naga caawin doona Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA), askarta dalalka deriska ah ayaa ka soo tallaabi doona xuduudka, si ay gacan uga geystaan," ayuu qiray.

Ciribtirka Al-Shabaab oo markii horeba laga saaray magaalooyinka waaweyn ee Jubbaland ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay mid u baahan "qorshe isku-dhafan oo ay si wadajir ah isaga kaashadaan dowladda federaalka, maamulada iyo caalamka".

Hadalka wasiirka ayaa kusoo hagaagaya xilli ay soo baxayeen warar ku saabsan in qaybo kamid ah gobolka Gedo gaar ahaan magaaladda Baardheere ay ka socdeen abaabulka "Macawiisleyda Jubooyinka" ayna wadeen siyaasiyiin sar-sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM