Jubaland oo qaadey talaabo lagu hakinayo colaada duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka dhigay in uu ciidamo kala dhex-dhigay beelihii ku dagaalamay duleedka Galbeed ee caasimadda ku maalgaarka Kismaayo.

Tuulooyinka ciidamada isku dhafka ah lagu daad-gureeyay ayaa waxaa lagu kala sheegay; Fuuma Dalsan iyo Kooyaame.

Wasaaradda Amniga maamulkaas ayaa waxay tilmaamtay in askarta ay isugu jiraan boolis iyo milatari aad u hubeysan.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, afhayeenka wasaaradaas, ayaa xusay in talaabadaas loo qaadey si looga baaqsado colaad kale oo horleh, isagoo caddeeyay in ay ka go'an tahay joojinta dagaaladda.

"Waxaa socda dedaaladii xalka looga gaari lahaa, waxaana iska kaashanaya dowladda, odayaasha dhaqanka iyo nabadoonada," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka, oo rajo fiican muujiyey.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horey ugu dhawaaqay xabad-joojin laga kala dhex-dhigo beelaha, isagoo amar ku bixiyey in lasoo xiro cid walba oo jebisa lagana qaado talaabo sharci ah.

Ku dhowaad 30 qof oo dhinacyadda dagaalamay ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen dagaal beeleedyadda, wallow ay jiraan warar sheegaya in dadkaas badankooda ay yihiin rayid aan wax galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM