Jubaland oo qabatay xubno ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab

Image
Xubnahaas ayaa gacanta lagu dhigay ayaga oo "dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda".

MUQDISHO, Soomaaliya - Jubaland ayaa sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab kadib howlgal ay ka sameysay magaalada Kismaayo.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay hay'adda sirdoonka Jubaland, xubnahaas ayaa gacanta lagu dhigay ayaga oo "dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda".

"Hay'ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland ( JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah kooxaha argagaixisada ee ku dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda," ayay tiri hay'adda.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro".

"Dhawaan waxaan bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen," ayuu xusay.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada Kismaayo".

Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo aadaya xilli Jubaland ay isku diyaarineyso qabashada doorashooyinka Aqalka Hoose kuwaasoo ka kala dhacaya Kismaayo iyo Garbahaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM