Jubaland oo qaylo-dhaan u diray Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Maxamuud Sayid Aadan ayaa gudoomiyey shir socday muddo labo maalin ah oo uu la qaatay qaar kamid ah golaha wasiirada Jubbaland.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha, Maxamuud Sayid Aadan ayaa gudoomiyey shir socday muddo labo maalin ah oo uu la qaatay qaar kamid ah golaha wasiirada Jubbaland.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Dalka, Arrimaha Amniga iyo Xaaladda abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland, Waxaana masuuliyiintu ay isku raaceen in wax laga qabto dhammaan arrimahaas.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa baaq u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka qayb-qaataan samata-bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka tacsiyeeyey saraakiishii iyo ciidamadii ku dhintay deegaanka Tuulo-barwaaqo ee duleedka degmada Garbahaarey, iyaga oo dagaal kula jira Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab, Waxaana uu Alle uga baryey in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna u booga dhayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM