Jubaland oo saraakiil looga dilay weerar Al-Shabaab ay qaaday

Image
Xarunta ugu weyn Al-Shabaab ayaa ah gobolka Jubada Dhexe oo ay gacanta kuwada haayaan.

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan labo sarkaal oo muhiim ah ayaa dowlad goboleedka Jubbaland looga diley weerar gaadmo ah oo dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen deegaanka Janaa Cabdalle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha ay dhexda u galeen ciidanka xilli habeen ah roondo sameeynayay halkaasna uu ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo khasaaro geystay.

Iska hor imaadka ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinadda, waxaa ku dhintay illaa 4 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland oo labo ay yihiin saraakiishii hawlgalka hormuudka ka ahayd.

Weerarkan ayaa imanaya xilli ciidamada Jubbaland ee magaalada Afmadoow ay iska difaaceen weerar xoog leh oo maleyshiyaadka ku doonaysay in ay ku qarxiso xerooyinka muhiimka ah ee halkaasi ku yaala.

Ciidamada Jubbaland oo intii muddo ahba lagu eedeyn jirey in ay fadhiid yihiin ayaa dhaqdhaqaaqyo aad u xoog badan ka bilaabay dhulka miyiga ah ee Jubbada Hoose.

Qorshahan ayaa waxa uu qeyb weyn ka yahay in waddooyin la jeexo, la abaabulo dadka shacabka, la diro sahano iyo roondooyin, goobaha biyaha lehna loo fariisto unugyada Al-Shabaab ee wareegeysta.

Xarunta ugu weyn Al-Shabaab ayaa ah gobolka Jubada Dhexe oo ay gacanta kuwada haayaan. Dowladda federaalka ayaa caddeysay in qorshaheedu yahay in sanadkan 2023 ay ka takhalusto xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM