Jubaland oo saraakiil looga dilay weerar Al-Shabaab ay qaaday

Image
Xarunta ugu weyn Al-Shabaab ayaa ah gobolka Jubada Dhexe oo ay gacanta kuwada haayaan.

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan labo sarkaal oo muhiim ah ayaa dowlad goboleedka Jubbaland looga diley weerar gaadmo ah oo dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen deegaanka Janaa Cabdalle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha ay dhexda u galeen ciidanka xilli habeen ah roondo sameeynayay halkaasna uu ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo khasaaro geystay.

Iska hor imaadka ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinadda, waxaa ku dhintay illaa 4 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland oo labo ay yihiin saraakiishii hawlgalka hormuudka ka ahayd.

Weerarkan ayaa imanaya xilli ciidamada Jubbaland ee magaalada Afmadoow ay iska difaaceen weerar xoog leh oo maleyshiyaadka ku doonaysay in ay ku qarxiso xerooyinka muhiimka ah ee halkaasi ku yaala.

Ciidamada Jubbaland oo intii muddo ahba lagu eedeyn jirey in ay fadhiid yihiin ayaa dhaqdhaqaaqyo aad u xoog badan ka bilaabay dhulka miyiga ah ee Jubbada Hoose.

Qorshahan ayaa waxa uu qeyb weyn ka yahay in waddooyin la jeexo, la abaabulo dadka shacabka, la diro sahano iyo roondooyin, goobaha biyaha lehna loo fariisto unugyada Al-Shabaab ee wareegeysta.

Xarunta ugu weyn Al-Shabaab ayaa ah gobolka Jubada Dhexe oo ay gacanta kuwada haayaan. Dowladda federaalka ayaa caddeysay in qorshaheedu yahay in sanadkan 2023 ay ka takhalusto xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM