Jubaland oo shaacisay in ay dhiseyso garoomo diyaaradeed oo casri ah

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Wali ku guda jira isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Jubbaland.

Maanta waxaa Madaxweynahu uu isla Xisaabtan ku sameeyay shaqada Wasaarada Arimaha gudaha ee Sanadkii lasoo dhaafay iyo qorshaha Sanadka soo socda ee 2020ka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaasha hortabinta u leh shaqada Sanadka soo socda.

Waxaa Wasaaradu ay soo gudbisay in Soo celinta dadka qoxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga dhadhaab ay Wali socoto inkastoo gaabis uu ka jiro dadkii sida iskood ah uga soo noqonayay halkaas.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in gacanta lagu hayo mashariic waa weyn oo laga hirgalinayo guud ahaan Jubbaland kuwaas oo shacabka waxtar u leh.

Mashaariicdan Waxaa kamid ah dhismaha sideed wado oo laami ah kuwaas oo laga hirgalinayo Degmada Kismaayo iyo sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xirta Degmooyinka luuq iyo Doolow oo laami laga dhigayo.

Waxaa kale oo kamid ah dhismaha garoomada diyaaradaha Afmadow iyo dhoobley kuwaas oo qaab casri ah loo dhisayo wax badana ka tari doonta kaabayaayasha dhaqaalaha

Waxaa kale oo ay Wasaaradu hormar ka samaysay Adeegyada xasilinta kuwaas oo isugu jira noocyo kala Duwan oo muhiim u ah Bulshada labadaas Magaalo ku nool iyadoo sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ay gacanta ku hayso dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Luuq iyo Baardheere oo dhawaan la bilaabayo.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM