Jubaland oo shaacisay in ay dhiseyso garoomo diyaaradeed oo casri ah

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Wali ku guda jira isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Jubbaland.

Maanta waxaa Madaxweynahu uu isla Xisaabtan ku sameeyay shaqada Wasaarada Arimaha gudaha ee Sanadkii lasoo dhaafay iyo qorshaha Sanadka soo socda ee 2020ka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaasha hortabinta u leh shaqada Sanadka soo socda.

Waxaa Wasaaradu ay soo gudbisay in Soo celinta dadka qoxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga dhadhaab ay Wali socoto inkastoo gaabis uu ka jiro dadkii sida iskood ah uga soo noqonayay halkaas.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in gacanta lagu hayo mashariic waa weyn oo laga hirgalinayo guud ahaan Jubbaland kuwaas oo shacabka waxtar u leh.

Mashaariicdan Waxaa kamid ah dhismaha sideed wado oo laami ah kuwaas oo laga hirgalinayo Degmada Kismaayo iyo sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xirta Degmooyinka luuq iyo Doolow oo laami laga dhigayo.

Waxaa kale oo kamid ah dhismaha garoomada diyaaradaha Afmadow iyo dhoobley kuwaas oo qaab casri ah loo dhisayo wax badana ka tari doonta kaabayaayasha dhaqaalaha

Waxaa kale oo ay Wasaaradu hormar ka samaysay Adeegyada xasilinta kuwaas oo isugu jira noocyo kala Duwan oo muhiim u ah Bulshada labadaas Magaalo ku nool iyadoo sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ay gacanta ku hayso dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Luuq iyo Baardheere oo dhawaan la bilaabayo.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM