Jubaland oo shaacisay mowqifkeeda bixitaanka ciidamadda Itoobiya

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay dooneyso in ay dalka ka saarto ciidanka Itoobiya.

KISMAAYO, Jubaland - Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Jubbaland ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha ay ciidamada Itoobiya uga baxayaan dalka dhamaadka sanadkan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa qorshahan ku tilmaamay arrin adag, isagoo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu yiri: “Ma ahan wax ay go’aan ka gaari karaan dad dano gaar ah leh".

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in si qoto dheer looga wada hadlo ka hor inta aan la saarin ciidamada. Wuxuu muujiyay inuu doorbidayo sii joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda la doonayo in dalka laga saaro ciidamada, waxaa loo baahan yahay in si weyn looga wada hadlo, mana jirto cid gaar ah oo go’aan noocaas ah qaadan karta, Koonfur Galbeed way ku qanacsan tahay joogitaanka ciidamada Itoobiya,” ayuu yiri.

Xuseen Sheekh Cali, La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Somaliya, ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay rajaynayso in dhammaan Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Somaliya dhamaadka sanadka, xilli la soo gaba gabeeyay hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS).

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ka socda dalalka kale ee ATMIS-ka ku deeqay ayaa sii joogi doona Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah howlgalka cusub ee la filayo inuu bilowdo Janaayo 2025, inkastoo aan weli la magacaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM