Jubaland oo shan qodob kasoo saartay "duulaanka" DF ee Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamul goboleedka Jubaland ayaa qodobo kasoo saarey "weerarka qaawan" ee dowladda federaalka "ku qaadey gobolka Gedo".

Qodobadan ayaa kasoo baxay Shirka Golaha Xukuumadda, oo uu gudoomiyey madaxweyne ku xigeenka labaad, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Qodobada ayaa kala ahaa;

In maamulku cambaareynayo "duulaankaas"

In faragelinta dowladda federaalku ka dhasheen khalkhal amni iyo colaad beeleedyo sababeysa in ay dib u soo noqdaan dagaaladii sokeeye

In Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ogeysiinayo in dowladda federaalka gacmaha ka laabatay la dagaalankii argagixisada ayna caadeysatay burburinta dowlad goboleedyadda ee dagaalka ba'an kula jiray argagixisada

Goluhu wuxuu ansixiyey in ciidamadda ay si buuxda u galaan heegan guud, si looga hortago duulaanadaas xukuumadda federaalka kusoo qaadey dowlad goboleedka Jubaland

In cawaaqib-xumada ka timaada "faragelintaas" ay mas'uul ka noqoneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Dhanka kale, wasiiradda oo sheegay in xukuumada "ay waxbarashadda u maamusho qaab dhexe" ayaa ku baaqay in aanan la siyaasadeyn tacliinta.

Ugu dambeyntii, golaha wasiiradda ayaa cod wadar ogol ah isugu raacay muhiimada ay leedahay in waxbarashada lagu maamulo nidaamka federaalka.

MUUQAALKA GOLAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM