Jubaland oo soo bandhigtey sarkaal xil muhiim ah u hayey Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubaland – Mas'uuliyiinta Jubbaland ayaa Isniinta maanta ah waxay soo bandhigeen sarkaal sarre oo ay sheegeen in uu Al-Shabaab yahay.

Taliska Sirdoonka maamulka ayaa shaaca ka qaadey in Rayaan Sheekh Nuur uu isku dhiibay xoogaga ammaanka.

Mr Nuur oo kooxda gacansaarka la leh looga dhex-yaqaano Abuu Xamsa ayaa la filayaa in la geeyo xarunta dhqan-celinta.

Sidda ay sheegeen saraakiisha, Nuur ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose.

Rayaan ayaa u sheegay mas'uuliyiinta in uu soo baxsaday markii uu arkay "dhibaatooyinka ka dhexjira ururkaas".

"Waxaan rajeynayaa in aan halkaan ka heli doono wax ka duwan gudaha Al-Shabaab," ayay warbaahinta dowladda kasoo xigatay.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan Rayaan Sheekh Nuur oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Talaabada uu qaadey Nuur ayaa kusoo aadeysa xili ciidamadda ammaanka Jubaland ay mudooyinkii dambe kordhiyeen gulufka ka dhanka ah Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM