Jubaland oo soo bandhigtay ciidamo ay u diyaarisay la dagaalanka AS

Image
Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la filayaa in ay ka qeyb-qaataan ciidamaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga tababarka Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Akadeemiyo guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.

Guutadan oo mudooyinkii u danbeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howlgalo ay dhawaan Ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib tirayo Khawaariijta.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta Dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM