Jubaland oo soo bandhigtay xubno kasoo goostay Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Laamaha ammaanka Jubaland ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Kismaayo kusoo bandhigay sideed ruux oo la sheegay in ay kasoo goosteen ururka Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkan ayaa isku dhiibay hay'addaha nabad-gelyadda dowlad goboleedkaas, sidda laga soo xigtay sarkaal sarre oo ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha ee maamulkaas.

"Waxaa baaris dheer kadib la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka waantowda fikirka qaldan ee ay umadda ku dhibaateeyaan kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab," ayuu xusay.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada maamulka Axmed Madoobe oo kasoo baxay dhanka maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, ciidanka Jubaland ayaa waday howlgalo ay ka fulinayaan degaano ka tirsan Jubbooyinka, waxaana ay kusoo furteen saanad ciidan isla markaana xubno soo qabtay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa balanqaaday in la abaalmarin doono cutubyadii qaadey howlgaladaas, isagoo carabka ku dhuftay in la joogteyn doono dhaqdhaqaaqyada ciidan.

Sikastaba ha ahaatee, Jubaland ayaa kamida degaanada ay ku xoogan yihiin maleeyshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo gobolka Jubadda Dhexe oo idil ay gacanta ugu jirtaa xoogagaas argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM