Jubaland oo taageertay go'aanka Rooble ee xiriirka Imaaraadka

Image
Sannadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta ayaa xiray xarun lagu tababaro ciidamada iyo isbitaal ku yaalla Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa, sida uu xafiiskiisu sheegay, wuxuu Dowlada Imaaradka Carabta  uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen  abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

"Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab," ayaa la raaciyey bayaanka.

Xafiiska Rooble ayaa maanta shaaca ka dhigay in Soomaaliya ay dhigeeda dowladda Imaaraadka "ka raaligelineyso" dhacdadii loogala wareegay loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Sannadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta ayaa xiray xarun lagu tababaro ciidamada iyo isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii ay isku dhaceen dowladda federaalka.

Sida ay warbixinadda sheegayaan, lacagta lagu qabtey garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ahayd malaayiin doolarka Mareykanka. Hase ahaatee, wali ma cadda tiradda saxda ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ballanqaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah. Dhanka kale, Midowga Musharaxiinta ayaa taageeray go'aanka xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM