Jubaland oo taageertey dib-u-furida xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi ayaa soo afjaray xayiraad taagneyd tan iyo sanadkii 2011-kii.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay dib u furista xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya oo ay heshiis ku gaareen xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

"Furida Xuduudkan oo xiraa inta badan sanadahii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada labada dhinac gaar ahaan dhinacyada hormarka ganacsiga, is dhaafsiga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Jubaland.

Furitaanka xuduudka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo Degmada Mandhera ee mandheera County ayaa waxaa la filayaa in ay qaadato muddo 30 maalmood ah.

Si lamid ah, xuduudka dhinaca Degmooyinka Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose iyo Libooyo oo katirsan Garissa County ayaa lagu furi doona muddo 60 maalmood gudahooda.

Sidoo kale, xuduudka dhanka Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubada Hoose iyo Deegaanka Kiunga ee Lamu County ayaa lagu furi doona muddo 90 maalmood gudahooda.

"Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada reer Jubaland ee ku nool deegaanada xuduudka ah inay ku gacansiiyaan hay’adaha amniga ilaalinta nabadgalyada xuduudka iyadoo si wadajir ah looga faa’iidaysanayo furitaanka xuduudka oo ahmiyad weyn oo dhaqaale u leh labada shacab," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Kenya ayuu ku bogaadiyey heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudkan "oo ay dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo Bulshada walaalaha ah ee labada dhinac".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM