Jubaland oo u dhaqaaqdey xulista xubnaha Aqalka Sare

Image

KISMAAYO, Jubaland - Guddoonka Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu shaaciyey xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee maamul goboleedkaas.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubbaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka guddoonka, xubnaha guddiga doorashada oo ka kooban 9 waxaa haween ka ah laba, halka inta kale ay yihiin mudaneyaal rag oo ka tirsan golaha.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga Jubaland ayaa ugu baaqay guddoonka baarlamaanka in ay u diyaar-garoobaan xulista Senatorada kuwaas oo lagu dooran doono magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Kimsaayo.

Musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqdaan baarlamaanka 11aad ee soo aadan oo lacagta diiwaangelintoodu tahay 20-kun oo doolar ayay ugu baaqeen in ay si deg-deg u soo gudbiyaan codiyadooda ama araajidooda.

Dowladda Jubaland ayay cod dheer ku waydiisteen in ay ka shaqeyso ammaanka goobta doorashadda ka dhaceyso. Amniga wuxuu kamid yahay qadiyadaha ugu culus ee horyaala doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya.

Jadwal cusub ee laga soo saarey doorashooyinka Soomaaliya oo isbedel kooban lagu sameeyay ayaa xeerinaya in xubnaha Aqalka Sare loosoo dooranayo July 25-28, halka Golaha Shacabka loo asteeyay bisha Sept 12-Oct 2.

Hoos ka akhriso xubnaha guddiga doorashada Jubaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM