Jubaland oo war kasoo saartay "qabsashada" DF magaalooyinka Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay "in ay si buuxda ula wareegtay" gacan ku haynta magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidamada si gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haram-cad, kuwaasoo uu Turkigu tababaray, ayaa qabsaday magaalooyinkaas saacadihii dambe ee shalay oo Talaado ahayd.

Cutubyadan ayaa diyaarado looga daabulay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhowr ah.

Saacado kahor inta aysan la wareegin Beledxaawo, wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa tegay halkaas, isagoo la kulmay saraakiisha ciidamadda iyo maamulka.

Cabdi Xuseen Sheekh Axmed, wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland, oo xaqiijiyey in magaalooyinkaas ay ka baxeen gacanta maamulkooda, ayaa ka digay gacan ka hadal ka dhaca.

"Annaga ma dooneyno in ay xabad dhacdo, laakiin waxaa arrintaas u muuqaneysa mid diyaar u ah dowladda oo kusii dhawaaneysa magaalooyinka," ayuu u sheegay warbaahinta.

Wuxuu raaciyey: "Dowladdu waxay leedahay Al-Shabaab ayaan la dagaalameynaa, ha ogaadaan Shabaab ma joogaan gudaha magaalada, duurka ayey ku jiraan".

Cilaaqaadka Villa Soomaaliya iyo Jubaland ayaanan wanaagsaneyn wixii ka dambeeyay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Bilooyinkii u dambeeyay xukuumada federaalka ayaa xusul-duub ugu jirtay in ay la wareegto Gedo, si ay uga dhisto maamul ka madax banaan Jubaland, talaabadaas oo laga digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM