Jubaland oo xaqiijisay inay Somaliland ku casuuntay caleema saarka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socda Somaliland ay ku casuumeen ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe.

Sidda laga soo xigtay Sayid iyo illo wareedyo xog ogaal ah, wafuud maamulkaas ka socda ayaa joogay munaasabadda, wallow aysan wada imaan dhamaan xubnihii la marti soorey.

Munaasabadda oo si heer sarre ah loosoo agaasimay ayaa Khamiista maanta ah ka qabsoontay Kismaayo, waxaana kasoo muuqday wafuud kala duwan oo isugu jirta siyaasiyiin, madax xil haysa iyo hore.

Mr Aadan oo hadal-jeedinta kusoo dhaweeyay Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wafdiga maamulka Hargeysa uu u baaqday "xayiraadyo" taasi oo uu xusay "in ay aad uga xun yihiin".

Inkasta oo uusan fahfaahin caqabadaha, haddana waxaa xusid mudan in Villa Soomaaliya ay fartay in diyaaradaha tagaya caasimadda ku meel gaarka Jubaland ay soo mareen Muqdisho.

Si lamid ah Maxamuud ayaa waxa uusan kala caddeyn hadii ay maamulka Muuse Biixi Cabdi ay martiqaadka u direen ama xisbiyadda mucaaradka ee halkaas ka jira.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa isaga oo ku sugan Finland wuxuu lasii xiriiray Madaxtooyadda Jubbaland, wuxuuna caleema saarka iyo dib u doorashada ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe.

"Faysal wuxuu yiri 'dowladd federaalka waxay idin kugu sameyneysaa wixii ay nagu sameysay ee iska dul-qaata' wuuna mahadsan yahay," ayuu Sayid hadalkiisa u dhigay.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse waxa uu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Garyaqaanka guud ee maamulkaas ayaa siyaasiyiinta iyo cid walba oo halkaas ku nool wuxuu uga digay in ay tagaan xafladda, isaga oo ku goodiyey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM