Jubaland oo xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari

Image
Yuusuf Cabdulle Ismaaciil iyo Cabdi Xasan Isaaq ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen fal dil bareer ah.

KISMAAYO, Jubaland - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa Khamiista maanta ah waxay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu waramay in ay si ula kac u gaysteen fal dil ah.

Yuusuf Cabdulle Ismaaciil ayaa lagu eedeeyay dilka Cabdicasiis Axmed Iimaan, halka Cabdi Xasan Isaaq la sheegay in uu dilay Axmed Xuseen Cismaan. Labada xukumane ayaa ahaa askar.

Hogaanka maxkamadda ayaa goob joog u ahaa fulinta xukunkan qisaasta ahaa oo ka dhacay fagaare ku yaala magaalada Kismaayo, sidda ay sheegtay warbaahinta Jubaland.

Jubaland State Tv ayaa ku daray: "Gacan ku dhiiglayaashan sida bareerka ah u dilay muwaadiniinta ayaa ahaa dabley ka kala tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Jubbaland iyo ciidamada xoogga Dalka".

Xeerilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso.

Yaasiin ayaa carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysto sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu ooga yaraado.

Dilalka inta badan ka dhaca degaanada Jubaland ayaa salka ku haya anooyin qabiil wallow kiisaska qaar ay salka ku haayaan kuwa si kama ah u dhaca ama ay ciidamadda dhexdooda isu geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM