Jubaland oo xukunno ku ridday askar lagu eedeeyay dilka shacab

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Maxkamada ciidamada Jubaland ayaa maanta oo Sabti ah waxay xukuno ku ridday askar lagu eedeeyay dil qof shacab ahaa loogu geystay duleedka Galbeed ee Kismaayo 22-ka bishii todobaad, sanadkan 2020.

Bashiir Maxamuud Xareed, gudoomiye ku xigeenka xeer-beegtadda, ayaa sheegay in xukunkan uu ku saleysan yahay qiraalka eedeysaneyaasha iyo caddeymo ay xeer-ilaalinta uruurisay tan iyo markii falkaas uu dhacay.

Faarax Cabdirashiid Cilmi, 45-jir ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta ee degaanka Cabdala Biroole, ayaa lagu xukumay dil toogasho ka gedaal markii uu qirtay dambiga ah in uu isagu ka dambeeyay khaarijintaas.

Maxamuud Rashiid Muxumed, 22-jir kamid ahaa isla ciidamada Daraawiishta degaanka Cabadala Biroole ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah markii ay ku cadaatay in uu ka qeyb-qaatay falkaas, wallow uu beeniyey.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Muxumed Mamad ayaa ahaa xoolo dhaqato. Balse, lama soo bandhigin sababta dhalisay dilkooda.

Sida laga soo xigtay gudoomiye Xareed, xukumaneyaasha ayaa sidoo kale waxay muddo kawadeen aaga falku ka dhacay falal amni darro ah.

Xukumaneyaasha ayaa baxsad ahaa in ka badan shan bilood, hase ahaatee, waxay ku fashilmeen in ay meel ka baxsan Jubaland tagaan, arrintaas oo maamulka u suurtagelisay in ugu dambeyntii uu gacanta kusoo dhigo labadoodaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM