"Hub u soo degay DF ayaan ku aragnay Al-Shabaab"

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay maalinta shanaad ee Madasha Aragti-wadaag Heritage ee Garowe, ayaa dowlada Farmaajo si dadban ugu eedeeyay "in ay hubeyso Al-Shabaab".

Axmed Madoobe oo nasiib daro weyn ku tilmaamay in arrintaas ku lug-yeelato xukuumadda ayaa soo bandhigay caddeyn xoojineysa sheegashadiisa.

"Tusaale ayaan idin-siinayaa annaga oo dagaal kula jirna Al-Shabaab waxaa ka go’dey rasaasta BKM-ka. Hal maalin ayay ugu yimaadeen Shabaabkii. Rasaastaa baan qaadnay, waxayna noqotay tan dowladda markaas lasoo degtay, ileyn rasaasta waa la aqriyaa," ayuu carabka ku dhuftay madaxweynaha.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "In rasaastii dowladda aan annaga wayno, Shabaabkiina ay helaan waa wax laga xumaado oo nasiib daro weyn ah".

Dowladda federaalka ayaan wali ka jawaabin eedeyntan culus, wallow isla madasha uu Axmed Madoobe ka hadlayey ay fadhiyeen mas'uuliyiin sar-sarre kana mid yahay lataliyaha amniga Qaranka, Cabdi Saciid iyo xubno kale.

Isaga oo khudbad ka jeediyey furitaankii Madasha Aragti-waaga, Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda madaxweyne Farmaajo in aysan taakuleyn siinin tan iyo markii xukunka timid ciidanka xooga ee Jubaland.

Sidda laga soo xigtay Axmed Madoobe, diyaaradaha Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa diidey in ay Muqdisho u qaadaan askarta ku dhaawacanta dagaalada AMISOM, waxaana amarkaas bixisay xukuumadda federaalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlayey kulankii Sabtida maanta ah ayaa hoosta ka xariiqay in dalku aanu lahayn siyaasad amni heer Qaran kaasoo lagu wajaho isla markaana lagu ciribtiro khatarta "cadowga Al-Shabaab".

"Dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadda ayaa cadowgu noqdey halkii cadowgeenu noqon lahaa Al-Shabaab," ayuu ka dhawaajiyey madaxweynaha.

Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayuu ku nuux-nuuxsaday in ay ka fuli waayeen dhamaan heshiisyadii amniga Qaranka, wuxuuna ka digay cawaaqib-xumo laga dhexli karo hadii heshiis mideysan laga gaari waayo siyaasadda ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM