Jubaland: Sugida ammaanka doorashadda oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Maamulka madaxwayne Axmed Madoobe ayaa dhowaan soo saarey liis kuraas lagu tartamayo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, ayaa maanta gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arimaha ammaanka, siyaasada, maareynta qashinka, iyo qodoba kale.

Ugu horeeyntii, kulanka golaha wasiiradda ayaa looga hadlay oo ka warbixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan degaanada Jubaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Dowladda Jubaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal.

Dhuumaal ayaa tibaaxay in dowladdu wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo ammaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubaland waxaa guddiyo loo saaray labo arrimood oo ay si weyn uga wada-doodeen golaha kuwaas oo kala ahaa, joojinta xaalufinta kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka-hortagga bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo bilicda degaanka.

Arimaha abaaraha iyo biyo-yarida ka jirta degaanka ayaa waxaa ka warbixiyey wasiirka biyaha iyo tamarta Jubaland, Axmed Xuseen Baraki, isagoo tibaaxay in degaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in dowlada ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay Abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM