Jubaland: Xildhibaano "loo diidey" in ay tagaan gobolka Gedo

Image
Mudaneyaal shir jaraa'id qabtey ayaa caddeeyay in amarkan uu ka timid taliska nabad-sugida qaranka.

KISMAAYO, Jubaland - Iyada oo ay jirto saan-saan is faham u dhaxeeya maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli waxaa sii jira cabasho si joogto ah ay u jeedinayaan siyaasiyiinta kasoo jeedda gobolkaasi ee taabacsan maamulka Jubbaland.

Koox xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Jubaland ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in markii labaad laga celiyay garoonka Muqdisho iyaga oo safar ku tagi lahaa meelo ka tirsan Gedo.

Xildhibaan Maxamed Daauud Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: "Markii aan tigid goosanay waxaa na lagu yiri ma dhoofi kartaan, waxaana nagu yiri Five Star, waxayna dhaheen waxaa amar na siiyay taliyaha NISA ee Gedo Jamaal Xasan Tareey, markii aan wacnayna waxa uu nagu yiri amarkaas wuxuu kasoo baxay Mahad Salaad".

Cumar ayaa xusay "in uu la yaabanyahay sababta keentay diidmada xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu caddeeyay mowqifkiisa Gedo, sheegeyna in gobolkaasi uu Jubaland ka tirsan yahay".

Dhanka kale, mudaneyaashan ayaa eedeeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo horey xilal sarsare uga hayay xukuumaddii Farmaajo, kuwaas oo ay sheegeen in ay weli gacanta kula jiraan arrimo Gedo.

Taliska Nabad Sugista, qeybtiisa garoonka Muqdisho ayaa marar badan is hor taag ku sameeyay siyaasiyiin safar ku tagi lahaa Gedo, iyada oo ay hadda iska caadi noqotay in NISA ay qof-qof u xaqiijiso dadka u safraya Gedo, taas oo ah arrin ku gaar ah gobolkaas lana lamid ah hab-dhaqanka maamulkii Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM