Jubbaland oo amaro culus dul-dhigtay Wax-garadka iyo Siyaasiyiinta

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Kadib kulan saacado badan qataay oo ay yeesheen mas'uuliyiinta maamulka Jubbaland, oo uu kamid yahay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxaa kulanka wixii looga hadlay faah-faahiyay Ku xigeenka Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Jubbaland, Cabdiraxmaan Xaaji Axmed, isagoo sheegay in mas'uuliyiinta ay dood ka yeesheen g'aan cusub oo Odayaasha Dhaqanka kahor istaagaya inay shiran.

Wuxuu sheegay in Odayaasha laga doonayo in ka hor inta aysan qaban shir ayaa u jeedkiisa kusoo war-geliyaan Wasaarada Arrimaha Gudaha Jubbaland, kadibna ay waydiistaan fasax ay ku qabsadaan kulamada.

“Odayaasha dhaqanka, waxay hoos-tagaan Wasaarada Arrimaha Gudaha, sidaas darteeda waxaa laga doonayaa in wax walba oo ay sameynayaa ay ku war-geliyaan Wasaarada oo ay kamid tahay shirarka ay qabanayaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xaaji.

Ma uusan sheegin talaabada uu maamulka Axmed Madoobe ka qaadi doono cidii iyadoo aan kusoo war-gelin Wasaarada qabata Shir, islamarkaana u hogaansami wayda amarada lasoo saarey.

Talaabadan uu ku dhawaaqay maamulka Jubbland waxay qeyb ka tahay wax lagu sheegay caburin lagu hayo Odayaasha, Wax-garadka iyo waliba Siyaasiyiinta ee dhaliilsan waxqabadka maamulkaasi, oo hadda ka kulmaya mucaarado gudaha iyo dibada ah.

Dhowaan xubno siyaasiyiin iyo Xilldhibaano oo kasoo jeeda Jubbaland ayaa ku shiray Muqdisho iyo meelo kale, iaygoo dhaleecayn dusha uga tureen maamulka uu hada hogaamiyo Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM