Jubbaland oo beenisay warar ay faafiyeen taageerayaasha Dowladda

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamulka Jubbaland ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka la xiriira in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan degaanka Kulbiyow ee Jubadda Hoose.

Guddoomiyaha degaankaas, Aadan Xusseen Tafaye, ayaa daboolka ka qaadey in xaaladda ay tahay mid degan isla markaana nabad-gelyadda ay sugayaan ciidamo taabacsan maamul goboleedka.

"Dowladda dhexe ee Soomaaliya way jiraan ciidamo ay leedahay laakiin ciidamo hadda ku sugan Kulbiyow xilligaan jooga ma ahan; ciidanka jooga Kulbiyow waa ciidanka Jubbaland, waxa hadda sidaas loo buun-buuninaayo wiilal yar-yaroo afar iyo shan meelahaas ah oo iyaga iyo ninka hogaaminayey isku dhaceen oo banaanka aadey oo aan soo celinay waaye waxa la sheegayo, laakiin ma jiro ciidan dowladda dhexe leedahay oo Kulbiyow jooga ma jiro," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka Jubbaland.

Qaar kamid ah bogaga baraha bulshadda ee taageera xukuumadda Soomaaliya ayaa faafiyey in ciidamo ka tirsan dowladda ay la wareegeen Kulbiyow kadib iska hor-imaad ay la galeen askartii halkaas joogtay.

Dowladda ayaa xoog ku qabsatay gobolka Gedo, halkaas oo ay ciidamo ku daad-gureysay, talaabadaas oo maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe uu cambaareeyay kana digay cawaaqib ka dhalan kara.

Xiriirka Jubbaland iyo dowladda Farmaajo ayaa hooseeyay bilooyinkii lasoo dhaafay, wuxuuna mugdi galay kadib dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe oo kusoo baxay coddeyn xor iyo xalaal ah.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo warbixin soo saarey dhowaan ayaa walaac ka muujiyey xaaladda gobolka Gedo, wuxuuna ka digay in ciidamadda ammaanka loo adeegsado hardanka siyaasadeed.

Dhanka kale, gudoomiye Tafaye oo ka dhawaajiyey in degaanku wajahayo daawo yari iyo halis kaga imaaneysa cudurka Covid-19 iyo roobab ku da'ay ayaa cod dheer kusoo jeediyey in lala soo gaaro gurmad deg-dega.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM