Jubbaland oo codsatay in baaritaan lagu sameeyo dilka Wasiir Cabaas

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam iyo dhamaan Xubnaha Golayaasha maamulkaas, ayaa ka hadlay dilka loo gaystay Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u diska dowladda federaalka Cabaas Cabdullaahi oo caawa Muqdishu lagu toogtay.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland oo nuqul kamid ah soo gaaray warsidaha GO, ayaa lagu sheegay inay ka xunyihiin dilka marxuumka, waxaana tacsi loogu diray dhammaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa.

“Waxaan la wadaagayaan tiiraanyada geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Hawlaha guud ee Dowlada Soomaaliya  Cabaas Siraaje ahaana Xildhibaan Qaran oo laga soo doortay Jubbaland,” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale codsaday in baaritaan lagu sameeyo dilka Marxuumka iyo qaabka uu u dhacay.

“Jubbaland waxay ku boorinaysaa dhamaan Laamaha kala duwan ee Dowlada Soomaaliya in baaritaan baahsan lagu sameeyo qaabka ay wax u dheceen,” Ayaa lagusii daray qoraalka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM