Jubbaland oo guddi u saartay xaaladaha kasoo cusboonaadey Gedo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Khamiisa maanta ah, 21 November 2019, gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaalada Siyaasadda iyo Amniga ee Jubbaland gaar ahaan xaalada kasoo cusbnaatey degmooyinka galbeedka gobolka Gedo.

Xaaladahaas ayuu Axmed Madoobe xusay in aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go’aan rasmi ahna Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda.

Guddi si faahfaahsan uga soo warbixiya xaalada Gedo ayuu goluhu isku raacay in loo saaro arrimaha lasoo wariyey oo ay hormuud ka yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo AMISOM kamid ahayn.

Ciidamadda ayaa "caburin" ku haya shacabka una diidayaan mas'uuliyiinta in ay galaan degmooyinka Doolow, Beledxaawo iyo Luuq. Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka dambeyso.

Dhinaca kale, Shirka golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixin lagaga dhageystey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Wasaaradda Maaliyadda iyo gudiga dakhliga Jubbaland.

Wasaaradda ayaa ka falaootey ilaha dhaqaalaha iyo sharciyada ay u diyaarisey shati siinta Maraakiibta, Doomaha kalluumeysatada iyo shirkadaha dhoofiya kalluunka iyo aargoosatada.

Wasaaradda Maaliyadda iyo gudiga mideynta dakhliga ayaa ka warbixiyey halka ay marinayaan barnaamijka mideynta dakhliga dowlada taas oo kor loogu qaadayo kobaca dhaqaalaha.

Barnaamijkan ayaa lagu mideynayaa ilaha dakhliga ee Jubbaland, taas oo ay sheegeen inay meel wanaagsan umarayaan caqabadaha jirana sidii loo Xalin lahaa lagu howlanyahay.

Ugu dambeyn, Golaha wasiirada ayaa hambalyo u diray macalimiinta Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliyaba ayada oo ay maanta ku beegantahay maalinta macallinka aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM