Jubbaland oo guulo ka sheegatay howlgal ka dhacay Jubadda Hoose

Image

KISMAAYO, Somalia - Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen tuulada Handaraaf ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen saddex kamid ah dagaalamyaaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Saraakiisha hogaamineysa oo si hoose ula hadlay warsidaha Garowe Online ayaa gaashaanka ku dhuftay in mudadii ay gudajireen duulaankaasi aanan khasaaro naf iyo maal kasoo gaarin dhinacooda.

Dadka maxaliga ah ayaa u sheegay warbaahinta inay lasoo daristay cabsi, maadaama ciidamada ay dib-uga laabteen degaanka ay howlgalka ka fuliyeen, ayna ka walwalsan yihiin inay Shabaab timaado.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyada maamulka Axmed Madoobe uu todobaadyii ugu dambeeyay waday diyaar-garow xoogan oo ujeedkiisu yahay inuu ku xorreeyo degaanada ka maqan gacantiisa.

Shalay ayay ahayd markii magaalada Kismaayo uu kusoo bandhigay Madaxwayne Axmed Madoobe cudada ciidan ee Jubbaland, kuwaasi oo ka koobnaa qaybaha kala gedisan ee ciidamada qalabka sida.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa xili uu galayo maamul goboleedka Jubbaland bartamaha sanadkaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha oo la filayo inay noqoto mid aad uxamaasad badan.

Inta badan tuulooyinka Jubbaland marka laga reebo qaarkood waxaa si toos ah iyo qaab aan toos ahayn u maamusho xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, taasi oo kamid ah waxyaabaha uu ku guuldareystay Axmed Madoobe inuu wax ka qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM