Jubbaland oo hoos u dhigtay war-murtiyeedkii Shirka Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in dalka "uusan anfacayn" war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii labadda maalin ka socday magaaladda Muqdisho.

Madasha Bahwadaagta Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen 50-dowladood ayaa waxaa ka baaqday ka qeybgalkiisa madaxweyne Farmaajo, talaabadaas oo ay ka xumaadeen xubnaha Beesha Caalamka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay kulanka maadaama aanan wax talo ah laga siinin. Maamulka Kismaayo waxaa u wehlisa in loo diidey in uu kaga qeybgalo shirka metelaad heer madaxweyne ah.

Axmed Madoobe oo habeenimadii Arbacadda kasoo muuqday munaasabad ka dhacday Kismaayo ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay "in arrimaha masiiriga ah" si wadajir ah go’aan looga gaaro.

Sidda laga soo xigtay war-murtiyeedka, saaxiibadda aduunka ayaa doonaya in hanaan loo dhan yahay loo wajaho Doorashooyinka 2020 iyo Dhameystirka dastuurka qabyadda ah.

Qodobadan ayaa kamid ah arrimaha masiiriga ah ee maamuladda qaar iyo dowladda federaalka ay isku maandhaafeen, taasi oo dhalisay in ay  hakiyaan wada shaqeyntii kala dhaxeysa xukuumadda Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee ay dowladdu saartay Kismaayo "aysan wax saameyn ah yeelan" wallow uu si adag uga digay in ay sii jirto kana dhalan karto "cawaaqib xumo".

Barnaamijka Deyn Cafinta oo qayb ka ah arrimaha siyaasadda loo dhan yahay safka hore kaga jirta ayuu Axmed Madoobe tibaaxay in aan "xal loo heli karin inta Villa Soomaaliya sharciga ku tumaneyso".

Xiriirka Jubbaland iyo dowladda Farmaajo ayaa aad u hooseeyay mudooyinkii dambe, waxaana xudun u ah doorashada Axmed Madoobe oo ay qaadacday, waxaana sii huriyey xariga Wasiir Janan oo ka dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM