Jubbaland oo jawaab adag ka bixisay go'aano kasoo baxay XF Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa jawaab adag oo rasmi ah wuxuu kasoo saarey go'aankii ay dowladda federaalka ku joojisay duulimaadyadda tooska ah ee Kismaayo.

Sidoo kale, war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Kismaayo ayaa waxaa looga fal-celiyey hadalkii Golaha Wasiirada federaalka ee ahaa in ay "maamul u dhisayaan Jubbaland".

Bayaanka Jubbaland oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in go'aanadaasi "aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin" degaanada maamulkaasi.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in xayiraada socdaalka Kismaayo uu "xadgudub ku yahay xuquuqda muwaadinka leeyahay sida uu xeerinayo dastuurka ku meel gaarka ah".

Go'aanada xukuumadda dhexe kasoo baxay ayaa waxaa lagu tilmaamay kuwa "u adeegaya dano gaar ah oo baalmarsan dastuurka iyo shuruuca kale ee dalka u yaala".

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa lagu booriyey "in ay si degdeg ah xal uga gaaraan ku tumashada xukuumada ee dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in ay maamulka iyo shacabka Jubbaland ay "difaacan doonan xuquuqdooda dastuuriga ah, aysana aqbali doonin in la burburiyo nidaamkooda, ammaankooda, horumarkooda iyo midnimadooda".

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM