Jubbaland oo ka hor-timid qorshaha cusub ee XF Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka falceliyay habraaca cusub ee kasoo baxay xukuumadda federaalka ah.

Qoraalka oo Axadii soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dowladdu ay qabaneyso doorasho cusub ayna soo xuleyso Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Jubaland.

Hase ahaatee, waxaa arrintaas kasoo horjeestay maamulka Kismaayo oo ku eedeeyay xukuumadda "farogelin, kuna sifeeyay habraaca mid aan dastuuri ahayn".

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed, oo wareysi siiyey BBC-da ayaa xusay in aysan jiri doonin doorasho kale oo la qabanayo.

"Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay wasaaradda," ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhinaca kale, Mr Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ay qaban doonan munaasabada caleema saarka Axmed Madoobe.

Balse wasiirka ma uusan shaacin waqtiga ay qabsoomeyso. Waxaase xusid mudan in ay dib uga dhacday mudadii hore oo ahayd 26-ka September.

Baaqashadda ayaa timid ka gedaal markii Villa Soomaaliya ay xayiraad dhanka socdaalka ah ay saartay Kismaayo, taasi oo caqabad ku noqotay martida.

Hogaanka dowladda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay dooneyso in doorashada Jubbaland ay kasoo baxdo natiijo ka qoslisa, taasi oo ay waji gabax kala kulantay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM