Jubbaland oo ka jawaabtay dooda BF Soomaaliya ee doorashadda

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka jawaabay dooda baarlamaanka federaalka ah gaar ahaan Golaha Shacabka ee la xiriirta qabsoomida doorashooyinka nagu soo fool leh sanadkan 2020-2021.

Xirsi Jaamac Gaani, wasiiru dowlaha Madaxtooyadda maamulkaas oo u waramay BBC, ayaa xusay in Aqalka Hoose uu lumiyey kalsoonida kadib markii uu isku koobay meelmarinta xeerarka muhiimka u ah coddeynta.

Mr Gaani oo adkeeyay ahmiyada ay leedahay in cod-bixinta soo aadan ay waqtigeeda ku dhacdo kana digay muddo kororsi ayaa ku eedeeyay guddoonka Golaha Shacabka in ay jebiyeen nidaamka xeer-dejinta.

"Dhaqaale looma hayo doorasho qof iyo cod ah, hadaan indhaha leys tireyn amni lagu qabtaa ma jiro, siyaasadda waa tan Beesha Caalamka ay dowladda federaalka ugu baaqeysay labadii sano ee lasoo dhaafay 'war wada fariista, heshiisya' intaas maadaama ay la'dahay, waxaa cad oo xaqiiq ah in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah," ayuu hadalkiisa u dhigay.

Xalka ugu dhow ee looga gudbi karo mar-xalada kala guurka ah ayaa ku sheegay in waddanka uu aado "doorasho dadban oo laga heshiiyey, oo la isku fahmay oo waddankan horey u sii wada oo aan dib u celin".

Siyaasiga oo sii hadlaya ayaa raaciyey: "Ciddii diidan oo taas kasoo horjeeda waxaa cad in ay rabto in ay waddankaan gedaal u celiso".

Maadaama muddo xileedkooda ay ku fashilmeen in ay ku hirgeliyaan doorasho qof iyo cod, Gaani ayaa carabka ku dhuftay in aysan muddo kororsi ka aqbali doonin baarlamaanka federaalka iyo guddiga doorashada.

"Marka ma waxaa la leeyahay ninkii isaga kursigiisa laga tashanayey ee lasoo siiyey afarta sano marka lasoo gaaro xiligii uu faarujin lahaa miyaa la leeyahay waqti ku darso waxaas wax sharci ah ma ahan," ayuu qeexay.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku aragti ah Villa Soomaaliya oo dooneysa muddo kororsi iyaddoo cuskaneysa in ay waddanka ka qabaneyso doorasho qof iyo cod ah xilli uu dhamaad ka yahay muddo xileedka.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose oo todobaadkan meesha ka saarey in ay ogolaanayaan 'doorasho dadban' ayaa xusay in maamulada aysan go'aan ka gaari karin doorashadda.

Madaxda maamulada iyo dowladda federaalka ayaa la filayaa in ay todobaadka soo aadan ku shiraan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb si ay is-afgarad uga gaaraan doorashooyinka aan wali lagu heshiin soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM