Jubbaland oo Ciidamo gaar ah loo tababarayo [Akhri sababta]

Image

KISMAAYO, Soomaaaliya - Todoba sano ayaa kasoo wareegatay markii ciidanka Kenya ay soo galeen Soomaaliya si ay u dhabar jabiyaan weerada Al-Shabaab iyo afduubka ka dhacayay dalkeeda.

Meelaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya waxaa kamid ah Gedo iyo Jubooyinka, iyagoo ku howlgalaya magaca Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM], oo ay ku biireen 2012-kii.

Joakim Mwamburi, oo ah taliyaha guutada 4aad ee ciidanka Kenya qeybtooda 2aad ee ku sugan gobolada Jubooyinka oo wareysi siiyay Wargeyska The Star ayaa sheegay in ciidamadooda guulo waa wayn ay gaareen inta ay Soomaaliya ku sugan yihiin.

Wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab hada aan awood u lahayn inay qaadaan weeraro badan, taasoo uu ku sheegay inay ka dambeysay markii ay wax ka bedeleen qaabka howlgalkooda, iyagoo xoogga saarey dhanka Sirdoon iyo Wadashaqayn Shacabka.

Mwamburi, ayaa wuxuu aaminsan yahay in awooda AlShabaab ay hada isugu soo aruurtay Qaraxyadda ay Jidadka u geliyaan ciidanka Kenya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in arrimahaas ay ka hortegi doonan.

Mar wax laga weydiiyay qorsha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya iyo mudada kordhinta Qaramada Midoobay ayuu sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin inay ka baxaan dalka, laakiin ay muhiim tahay in la helo Ciidamo kala wareegtay mas'uuliyada.

Wuxuu xusay in ciidanka Soomaaliya ay yihiin waqtigan kuwa aan awood u lahayn midaas, islamarkaana ay doonayaa inay ciidamo utababaraan maamulka Jubbaland, si ay ugala wareegaan amaanka deegaanada ay ku sugan yihiin.

“Halkaan waxaan ujoognaa inaan soo celino Nabada Soomaaliya iyo midka dalkeena. Si aan u xaqiijino amaanka Shacabkeena waxaan usameyn doonaa wax kasta. 1,000 oo Askar ayaan Jubbaland u tababari doonaa, si ay amaanka u sugaan,” ayuu yiri.

“Qeybaha kale ee AMISOM waa inay sidaas ay sameeyaan, si mas'uuliyadda amaanka ee meelaha ay joogaan ugu wareejinaa. Waxaan codsan doonaa in qorshaha bixitaankeena dib loo dhigo illaa iyo 1,000 Askar meel walba loo tababaro,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Mas'uul katirsan dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegay in sababta ay u aas-aaseen Jubbaland ay tahay inay ka illaaliyaan amaanka wadanka Kenya gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM