Jubbaland oo magacaawday wakiil u joogi doono Dowladda Kenya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa u magacaabay Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka Maamulka Jubbaland u jooga dalka Kenya.

Go’aankan ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Madoobe, ayaa waxa ay bulshada ku soo kordhisay walaac ku aadan awooda dowladda dhexe ee arrimaha siyaasadda dibadda.

Sida ku cad wareegtada magacaabista, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu soo qaatay cutubka 4-aad, qodobka 72-aad, farqadiisa (3) ee dastuurka dowladda Jubaland, kaasoo awood u siinaya inuu soo magacaabo xubnaha golaha fulinta ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan go’aankan gaarin waxa uu kala tashaday Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM