Jubbaland oo qaadacday Shir weyne ka furmaya Muqdisho

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xilli Xiriirka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland hadda u muuqdaa mid faraha kasii baxaya, ayaa maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe soo saarey go’aan cusub.

Aadan Ibraahim Aw-Xersi, Wasiirka Dastuurka ee Jubbland ayaa soo saarey go'aan ay ku qaadaceen ka qeyb-gelka shirweynaha Qaran ee dib-u-eegiska Dasuurka oo Muqdisho ka furmaya 13-ka May.

Shirkan oo socon doona 13 illaa 15-ka bishan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arriimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo xiriirka maamullada la leedahay aan wanaagsanayn.

Wasiirka Wasaaradda Cabdi Xoosh Jibriil ayaa casuumaad u diray dowlad goboleedyadda taasi oo ku aadan inay kasoo qeyb-galaan shirka looga looga hadlayo arrimaha dib u eegista Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Khuburo dhanka Dasuurka, Marti Sharaf iyo Shacab ayaa lagu casuumay Shirka.

Wasiirka Dastuurka Jubbaland ma uusan faah-faahin sababta u qaadaceen ka qeyb-galka Shirkaan, waxaaase go’aankaan uu kusoo beegmayaa xilli xiriirka u dhaxeeya Jubbaland iyo Dowlada Federaalka uusan hagaagsaneen.

Khilaafka dowlad goboleedyadda qaar iyo Dowlada Federaalka ayaa salka ku haya xiisadda Khaliijka, kaasi oo hadda saameyn aan fiicneen ku yeeshay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya inay ka weecatay Mowqifka dhaxdhaxaadnimada ay qaadatay 2017 arrimaha Khaliijka, isagoo ku eedeeyay inay la safatay Qadar. [Halkan ka akhri Warka].

Jubbaland ayaa noqonaysa maamulkii ugu horeeyay ee si rasmi ah ugu dhawaaqa inuu kasoo horjeedo shirkaan, iyadoo aan la ogayn go’aanada ay qaadan doonaa dowlad goboleedyadda kale ee Afarta ah.

Go'aanka Jubbaland ayaa imaanaya xilli xubnihii Maamul goboleedyada usoo wakiisheen dib u eegista aan lagu darin Gudiga Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM