Jubaland oo qardaysay dhul gabaad u ahaa kooxda Al-Shabaab

Image
Dhulkan oo dhan 30 kiilo mitir ayaa waxa uu dhaxeeya tuulada Buulo Guduud ee laamiga ku taala iyo Janaa Cabdalle.

KISMAAYO, Jubaland - Wararka laga helayo Jubada Hoose ayaa sheegaya in Jubbaland ay cagaf iyo shaqaale boqolaal ah galisay dhul baaxadiisa ay badan tahay oo ku yaala gobolkaasi, halkaasi oo dhulka la dhigay dhir aad u tiro badan, ujeedkana yahay in aysan Al-Shabaab ku dhuumaalaysanin.

Dhulkan oo dhan 30 kiilo mitir ayaa waxa uu dhaxeeya tuulada Buulo Guduud ee laamiga ku taala iyo Janaa Cabdalle, halkaasi oo dhirta laga jaray masaafo ay isha ku daasho labada dhinac ee wadada.

Wadadan ayaa waxaa si joogto ah ugu kala goosha ciidamada kala duwan ee hawlgalada ka wada aagaasi, waxaana laga baqdin qabay in sidii caadada ahayd ay Al-shabaab u dhigaan miinooyin ama weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada halkaasi maraya.

Shaqaale boqolaal gaaraya oo laga daabulay magaalada Kismaayo ayaa muddo maalmo ah ku qardeeyay dhir aad u badan, iyada oo hawsha ay ka qeybqaateen gaadiidka cagafta.

Ciidamada ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa hawshani, iyada oo Jubbaland ay qaadatay kaarto dagaal oo ah in dhulka ay taako taako u dhigto askar, kana foojignaato wax kasta oo dhagar ah oo Alshabaab ay maleegayaan.

Howlgalkan oo loogu magacdaray "hal geed iyo hal askari" ayaa illaa haatan waxaa "lagu xoreeyay dhowr degaano" halkaasoo ciidamadda ay baaqi kusii yihiin kuna adkeysteen in aysan ka baxayn.

Jubbaland ayaa ka faa'iideysanaysa waayo aragnimo 10 ah oo Al-Shabaab dagaalkeeda laga dhaxlay, iyada oo xitaa ciidanka laga wacyigaliyay in aysan ka cabbin ceelaha biyaha, waxna ka cunin dadka degan deegaanada ay horey Al-Shabaab u haysteen, iyada oo laga baqayo in kooxda ay sumeyso askarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM