Jubbaland: Safarka Khayre waa jawi abuuris, ma jiro wadahadal

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ku adkeysanaya in uu wali taagan yahay khilaafka u dhaxeeya qaar kamid ah maamuladda dalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Is-mari-waagaasi ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah sida; amaanka, dhisitaanka ciidamo qaran iyo wadaagista kheyraadka.

Xirsi Jaamac Gaani, wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland, oo muujiyay in aanu marnaba is-dhiibi doonin maamulkiisa, ayaa tilmaamay in xalinta murankaasi looga fadhiyo dowlada dhexe.

"Dowlada Federaalka, iyadda ayaa looga fadhiyaa qaabkii loo xasilin lahaa dalka…u kalsooni gelin lahayd maamuladda iyo xalinta khilaafka wadanka regaadiyay," ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiiru dowladaha ayaa imaanaya iyadda oo uu maanta gaarey magaaladda Kismaayo Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho madaxwayne Axmed Madoobe si loo xaliyo khilaaf-yada wali jira.

Hasayeeshee, wasiiru dowlaha ayaa meesha ka saarey inuu jiro wadaxaajoodyo gaar ah oo ay haatan kula jiraan dowladda dhexe, oo dhiirageliyay safarka Khayre.

"Waxa loo balansan yahay kaliya waa jawi abuuris ee ma jiraan wadahadal aan haatan la gelayno dowladda," ayuu hadalkiisu daba dhigay wasiiru dowlaha madaxtooyadda Jubbaland.

Arrimaha kale oo ay isku hayaan Villa Somalia iyo maamulka Kismaayo ayaa waxaa kamid ah doorashadda, taasoo Axmed Madoobe uu doonayo inuu kusoo laabto kursiga iyadoo Dowladda Dhexe diyaarinayso musharixiintii la tartami lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM