Jubbaland oo Warqad cabasho ah u dirtay Farmaajo [Akhri Sababta]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa warqad cabasho ah u diray Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqadan oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa waxay Jubbaland uga cabaneysaa go'aanno kasoo baxay dhawaan Taliska Ciidamada Xoogga dalka, oo ku saabsan arrimaha Ciidamada iyo amniga deegaanada maamulkaasi.

Jubbaland ayaa ka cabanaysa qodobada soo socda;

1 - In la baabi'yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA,

2 - Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,

3 - In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,

4 - In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhgooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,

5 - In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,

6 - Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,

7 - Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi'iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay dalalka Ciidamada ugu deeqay Howlgalka AMISOM taageeradooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo kaalintooda la dagaalanka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM