Jubbaland oo Warqad cabasho ah u dirtay Farmaajo [Akhri Sababta]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa warqad cabasho ah u diray Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqadan oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa waxay Jubbaland uga cabaneysaa go'aanno kasoo baxay dhawaan Taliska Ciidamada Xoogga dalka, oo ku saabsan arrimaha Ciidamada iyo amniga deegaanada maamulkaasi.

Jubbaland ayaa ka cabanaysa qodobada soo socda;

1 - In la baabi'yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA,

2 - Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,

3 - In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,

4 - In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhgooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,

5 - In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,

6 - Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,

7 - Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi'iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay dalalka Ciidamada ugu deeqay Howlgalka AMISOM taageeradooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo kaalintooda la dagaalanka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM