Jubbaland: Sidee ku timid sii deynta Xildhibaan Axmed Taajir?

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xabsiga kasii daayay xalay Xildhibaan Axmed Taajir, oo kamid xubno katirsan Baarlamaanka oo mucaarad ah ku ah maamulkiisa.

Axmed Taajir, ayaa la xiray Arbacadii lasoo dhaafay, maalin kadib markii Baarlamaanka Jubbaland uu ka qaadey Xasaanadda, isagoo lagu soo eedeeyay inuu hormuud u yahay Xildhibaano diyaarinayay mooshin ka dhan ah Gollaha Wasiiradda Jubbaland.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa mudo 5 maalmood ah ku hayay Axmed Taajir Saldhiga Fiat oo ku dhaw Madaxtooyadda Jubbaland, halkaasi oo shalay ay la wareegeen ciidamo ka gadooday xarigiisa. Halkan ka akhri.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dareemay Cadaadis military, kadib markii qeybo kamid ah magaalada xarunta u ah maamulkiisa, oo ay kamid tahay saldhiga Fiat ay qabsadeen ciidamo dalbanayay inuu sii daayo Axmed Taajir.

Sii-deynta Axmed Taajir ayaa kusoo beegantay xilli Axmed Madoobe uu magaalada Kismaayo kula kulmay Wafdi uu hogaaminayay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, David Concar.

Xildhibaanka oo ay isku heeb yihiin Axmed Madoobe islamarkaana haysta dhalashada Ingiriiska, ayaa wuxuu kamid yahay Xildhibaanno Xukuumadda Jubbaland ku eedeeyay waxqabad la'aan iyo nin-jeclaysi.

Xiisad xooggan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnayd Kismaayo, taasi oo ka dhalatay xariga Axmed Taajir iyo beegsiga ciidamada Jubbaland ku hayeen Xildhibaanada mucaaradka ah, ee mooshinka wada.

Iyadoo xiisadan jirto, ayaa Axmed Madoobe la filayaa inuu u ambabaxo Muqdisho, oo uu uga qeybgalayo Shirka Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ay uga hadlayaan Dastuurka, Doorashada 2020, dhisamaha ciidan qaran iyo qeybsiga Khayraadka dalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Axmed oo iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Jubbaland, kursigaasi oo uu ku matalayay degmada Afmadow dadka degan, isagoo sababta ku sheegay inuu u tanaasulay danta shacabkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM