Jubbaland: Xildhibaanno Xayiraad socdaal lagu soo rogay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkiisa, xilli Xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay magaalada Kismaayo.

Madaxtooyadda Jubbaland ayaa u gudbisay maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Taliska Nabad Sugida liiska Xildhibaanno lagu wargeliyay inaysan Kismaayo ka bixi karin, iyadoo aan la ogeyn wali sababta ka dambaysa go'aankan.

Xildhibaanada lagu soo rogay xayiraadda ayaa lagu soo waramayaa in looga shakiyay inay wadaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Ciidamada Jubbaland ayaa shalay xiray mid kamid ah Xildhibaanada oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Xasan [Axmed Taajir] kaasi oo la sheegay in Baarlamaanka uu xasaanada ka qaadey markii uu qoray mooshinka lagula xisaabtamayo Xukuumadda.

Xariga Axmed Taajir kadib, Xildhibaanada saaxiibada yihiin ee qeybta ka ah Mooshin ayaa soo wajahday cabsi kadib markii sida la sheegay hanjabaad uga timid Madaxtooyadda, iyagoo markaasi isku dayay inay kasoo baxaan Kismaayo.

Shan Xildhibaan ayaa la sheegay in shalay ay kasoo duuleen Kismaayo.

Axmed Taajir oo ciidamada Jubbaland xabsiga dhigeen

Xaaladda Kismaayo ayaa maanta deggan, inkastoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo hawada isku shareertay markii ciidamada Jubbaland lagu amray inay kahor tagaan shirarka ay Xildhiaabanada mooshinka wada ku qabanayaan hoteelada magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe saaka la kulmay Xildhibaano tiradooda gaaraysa 10 kuwaasi oo ugu yeeray Madaxtooyadda, isagoo kala hadlay sidii loo baajin lahaa mooshinka kuso foorara.

Jubbalanda ayaa kusoo wajahan doorasho 2019-ka, waxaana xaaladda iminka taagan ay tahay mid salka ku haysa dhanka Siyaasadda, iyadoo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka ay doonayaan inay la xisaabtamaan Xukuumadda Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM