Juxa oo Galmudug ku qanciyay in dib loo dhigo Doorashada

Image

CADAADO, Somalia - Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa ku qanciyay mas'uuliyiinta Galmudug inay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Kulan ka dhacay magaalada Cadaado oo u dhaxeeyay; Wasiir Juxa, Guddoonka Barlamanka Galmudug iyo Guddi Doorashada maamulkaasi  ayaa la isku afgartay in doorashada Madaxweynaha laga dhigo 30-ka April.

Wasiir arrimaha gudaha DFS ayaa sheegay in Xal laga gaaray Murankii la Xariira Arrinta Doorashada Madaxweynaha ee maamulka Galmudug, oo la filayay inay dhacdo Isniinta soo socoto, 10-ka Bishan April.

Kulamo socday ilaa shalay ayaa waxaa kasoo baxay qodobo hordhac oo ay wada gaareen labada dhinac, waxaana kamid ah;

In Doorashada laga dhigo 30 April

Wadahadal u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug la qabto 10 - 17 April

Dhaqangelinta Heshiiska labada dhinac 17 ilaa 25-ka April

Diyaargarow 25 ilaa 30-ka

Doorashada in si wadjir ah looga qeybqaato.

Doorashada ayaa la filayaa in laga qeybgeliyo maamulka Ahlu Sunna oo awood badan ku leh Galgaduud, sidoo kalena gacanta ku hayso magaalada Dhuusamareeb, oo ah caasumadda rasmiga ah ee Galmudug.

Ra’isal Wasaare Xasan Ali Kheyre iyo Ahlu Sunna ayaa horay u dalbaday in Doorashada Madaxweynaha Galmudug dib loo dhigo 45 maalmood ah, si loo dhameeyo khilaafaadka ka taagan awood-qeybsiga.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa doonaysa in maamulka Galmudug laga dhigo mid dhammeystiran, oo ay kuwada jiraan dhammaan beelaha iyo dhinacyada siyaasadda, si meesha looga saaro kala-qeybsanaata ka jirta gobollada Dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM