Ka qeybgal la'aanta Farmaajo oo hoos u dhigtay Shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, sidda ay Garowe Online u dusiyeen diblumaasiyiin.

Farmaajo ayaa nan xaadirin furitaanka Madasha oo Talaadadii, 1-da October 2019-ka, uu daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Warar xog ogaal ah ayaa qeexaya in madaxweynaha uusan kasoo muuqan doonin xiritaanka oo Arbacadda maanta ah loo qorsheeyay, maadaama laba casho loo qaban-qaabiyey kulanka.

"Xubnaha Beesha Caalamka way ka xumadeen, waxayna u arkeen hoos u dhig Shirka lagu sameeyey," ayay yiraahdeen illo wareedyadda oo codsaday in aanan la magacaabin.

Wakaalada wararka u faafisa dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, SONNA, ayaa baahisay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu gudoomin shirka maalinta labaad.

Puntland ayaa qaadacdey Shirka, halka Jubaland ay kasoo horjeesatay maadaama ay xukuumada federaalka u diidey in ay kaga soo muuqato heer madaxweyne.

Isaga oo dadweyne kula hadlayey Boosaaso, madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in aanan wax latashi ah lagala sameynin shirka lana siiyey kaliya shan daqiiqo oo feker dhiibasho ah.

Shirka Bahwadaagta Soomaaliya oo sanadle ah ayaa ah midkii afaraad, waxaana lagu gorfeyaa wax-qabadka sanadkii tegay, waxa aan hirgelin, caqabadaha iyo qorshaha sanadka xiga.

Kulankan oo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya lagu casuumo ayaa taageero waxaa loogu uruuriyaa horumarinta waddanka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM